Washington —
Xaliimo Maxamed Axmed (Gobaad) oo ah gabar Soomaali ah oo deggan dadlka Sweden ayaa sameysay application ama App lagu dhageysto buugaagta ku qoran Soomaaliya, kaas oo lagu magacaabo Kitabcluod, wuxaana usuurtogalinayaa in dad badan, gaar ahaan carruurta ay buugaagta ku qoran Afka Soomaaliga si fudud uga dhageystaan online-ka.
Caasha Ibraahim Aaden ayaa Barnaamijka Haweenka iyo Qoyska ee toddobaadkan ku wareysatay Xaliimo Gobaad.