Jabuuti —
Suleyman Xasan Waaberi, oo ah guddoomiyaha xiriirka Kubadda Cagta ee Jamhuuriyadda Jabuuti iyo guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Kubadda Cagta ee qaaradda Afrika, ayaa VOA-da u sheegay inuu u tartamayo xubin ka mid ah Guddiga Kubadda Cagta Adduunka ee FIFA.
Suleyman, oo muddo dheer ka mid ahaa bahda kubadda cagta, ayaa sheegay in shan kursi oo bannaan ee guddiga FIFA ay u tartamayaan toban musharrax oo ka kala socda dalal kala duwan oo caalamka ah.
Sahra Ciidle Nuur ayaa khadka taleefanka kula xiriirtay Suleyman, xilli uu safar ku marayey qaaradda Afrika, oo qayb ka ah ololihiisa doorashada FIFA, taas oo la qaban doono bartamaha bisha Maarso ee soo socota.
Madal