Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cumar Hadliye oo maanta ka dhoofay magaalada London, ayaa wareysi uu arrimo badan kaga hadlay siiyey idaacadda VOA-da.
Wareysiga, ayuu wasiirku kaga hadlay arrimo ay ka mid yihiin khilaafka u dhexeeya mudanayaasha baarlamanka ee ka dhashay mooshinka laga gudbiyey madaxweyne Xasan Sheekh.
Hadliye, waxa uu sidoo kale VOA-da uga warramay arrimaha dhalinyarada Soomaaliyeed ee tahriibaya iyo waxa laga filan karo dawladda Soomaaliya ka hor sanadka 2016-ka.
Wariyaha VOA ee London Ridwaan Xaaji Cabdiwali ayaa marka hore waydiiyay ujeedka socdaalka uu ku yimid London?