Muqdisho —
Wasiirka cadaalladda iyo arrimaha dastuurka ee Soomaaliya Xasan Macallin Maxamuud ayaa difaacay ansixinta isbaddelka dastuurka, isagoo sheegay in dhammeystirka dastuurku ay ahayd wixii ay dowladdani ballanqaaday.
Xasan Macallin ayaa sheegay in walaac ay ku hayso in Puntland howshan ka maqan tahay, isagoo sheegay inay doonayaan in talo walba oo Soomaali ah ay tahay in loo dhan yahay.
Waxa uu sidoo kale sheegay in dastuurka Soomaaliya aanu dhammeystir noqon doonin iyadoo aan meel la saarin maqaamka Muqdisho.
Weriyaha VOA, Cabdicasiis Barrow ayaa wasiirka ku wareystay Muqdisho.
Madal