Wasiirka Kalluumeysiga iyo kheyraadka badda ee dowladda KMG ah Maxamed Macalim Xasan, ayaa sheegay in wasaaraddiisu ay ku guuleysatay inay soo dhiciso xaqii Soomaaliya ee xuduud badeedka.
Wasiirku wuxuu sheegay in ay diyaariyeen dukuminti ku saabsan qariiradda xuduudda badda ee Soomaaliya, ayna horgeyn doonaan baarlamaanka marka uu golaha xukuumadda ansixiyo. Wuxuu kaloo sheegay in baarlamaanka ka dibna ay u gudbin doonaan Qaramada Midoobay.
Maxamed Macalim wuxuu kaloo sheegay in wejiga labaad loo gudbi sidii wax looga qaban lahaa heshiis is-afgarad ah oo Kenya ay la gashay xukuumaddii ka horreysay, kaasoo uu sheegay in Kenya ay gudaha usoo gashay xadka Soomaaliya.