Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wejiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab oo billowday


Xoogga dalka
Xoogga dalka

Sida ay qortay warbaahinta dowladda federaalka, waxaa maanta gobolka Hiiraan ee maamul goboleedka Hirshabeelle ka bilowday wajiga labaad ee howlgallada ka dhanka ah maleeshiyad Al-shabaab, iyada oo ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ay la wareegeen deegaanno horleh.

Deegaannada laga saaray Al-shabaab ayaa sida ay sheegtay warbaahinta dowladdu, waxaa ka mid ah Beerxaano, Tarajanta, Burdar, Nuur-fanax, iyo kuwa kale.

"Bilowga wejiga labaad waa dhammeystirka Al-shabaab" ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte oo horkacayay howlgalkan.

Dhinaca kale, Taliyaha Ciidanka xoogga dalka General Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in deegaanka Galcad ee gobolka Galguduud ay saaka si buuxda ciidanka dowladdu ugala wareegeen Al-shabaab.

Dowladda Federaalkaa, ayaa sheegtay in wejiga koowaad ee howgallada ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab ay ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya ciidamada dadka deegaanka ay dileen 3,000 oo Al-Shabaab ah, laguna dhaawacay 3700 lakale, isla markaana ka saartay degmooyin iyo deegaanno badankood ay ka tirsan yihiin maamul goboleedyada Galmudug, Hirshabelle iyo Koofur Galbeed.

Dowladda Mareykanka ayaa ammaantay howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab, waxaana safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Larry Andre qoraal toddobaadkii hore uu usoo diray VOA ku yiri sidan: “Hawlgallada ay Soomaalidu hoggaaminayeen waxay madax-bannaanidii Soomaaliya kusoo celiyeen saddex meelood-meel dhulkii ay sida xun u maamulayeen al-Shabaab. Soo af-jaridda caburiska Al-Shabaab waa tallaabo kale oo horey loogu qaaday dib usoo noolaynta buuxda ee Soomaaliya.”

XS
SM
MD
LG