Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wicitaanka Dhageystaha: Muxuu kacdoonka qabaa'ilka ee ka dhanka ah Al-shabaab uga dhigan yahay Soomaaliya?


Ciidamada
Ciidamada

Gobollada Dhexe iyo qeybo ka mid ah Koofurta Soomaaliya waxaa ka bilowday howlgal loogu magac daray kacdoonka shacabka ee ka dhanka ah Al-shabaab, waxaana dagaallada si toos ah ugu jira dhallinyarada iyo odayaasha qabaa'ilka dega Hiiraan, Galguduud iyo Shabeella Dhexe.

Qabaa'ilka ayaa kaashanaya ciidamada dowladda Federaalka, iyo kuwa maamul goboleedyada.

Haddaba, muxuu kacdoonka dadka Soomaaliyeed uga dhigan yahay? waase maxay doorka culimada ee la dagaallanka kooxaha xagjirka ah ee Soomaaliyaa.

Barnaamijka Wicitiaanka Dhageysa ee toddobaadka ayaa su'aas iyo kuwa kaleba ka jawaabi doonaa, waxaana marti ku ah Sheekh Cabdiraxmaan Shariif oo ah imaamka masaajidka Daarul-Hijra ee magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, waxaana soo diyaariyay soona jeedinaya Nuur Xasan Xasan Nuur.

Wicitaanka Dhageystaha.mp3
please wait

No media source currently available

0:00 0:22:01 0:00

XS
SM
MD
LG