Beesha Caalamka ayaa si aad ah uga deyrisay xaaladda qaxooti Soomaaliyeed ee ku sugan degmada Doolow ee Soomaaliya.
Qaxootigaasi ayaa ka soo barakacay deegaano ay gacanta ku hayaan kooxda al-Shabaab, halkaasoo sanadihii u dambeeyay ay ku dhufteen abaaro is daba joog ah.
Kooxda al-Shabaab ayaa laba sano ka hor xayiraado saartay hay'adihii caalamiga ee dadkaasi caawin lahaa.