Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xaaska ra'iisul wasaaraha Spain oo looga yeeray maxkamad musuq-maasuq


Pedro Sanchez iyo xaaskiisa Begona Gomez
Pedro Sanchez iyo xaaskiisa Begona Gomez

Maxkamad ku taalla Madrid ayaa Talaadada soo saartay amar ah in xaaska Ra'iisul Wasaare Pedro Sanchez ay hor timaado 5-ta Luulyo, taasi oo qeyb ka ah baaritaan musuq-maasuq oo horudhac ah oo ku saabsan xiriiradeeda ganacsi.

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii ay maxkamaddu asbuucii hore diiday codsigii dacwad oogayaasha ee ahaa in la xiro baaritaanka Begona Gomez, taasi oo muujineysa in jiraan caddeymo “ku filan” oo loogu qiil dayo sii wadista baaritaanka.

Go'aanka lagu furay baaritaanka ayaa dhabar-jab ku ah ra'iisul wasaaraha, balse wuxuu xoojinayaa mucaaradka garabka midig oo tallaabadan u arka mid cadeynaysa eedeymihii ay ku sheegeen in isaga iyo dowladdiisa garabka bidix ay wax musuq-maasuqeen.

"Waxaa jira cadeymo muujinaya in dambiga la tuhunsan yahay la galay" taasi oo "ka baxsan tuhun" wayna "ku filan tahay" in baaritaanku uu sii socdo, ayaa lagu yiri dokumentiyada maxkamadda oo ay aragtay AFP.

Maxkamaddu "waxay u yeertay Begona Gomez in ay ka soo hor muuqato ayada oo oo ah dhinaca la baarayo Jimcaha 5-ta Luulyo 10:00 subaxnimo, taasi oo qayb ka ah baaritaan horudhac ah oo la xiriira dambiyo musuq-maasuq oo lagu soo eedeeyay ganacsigeeda gaarka ah iyo saameynteeda siyaasadeed," ayaa lagu yiri.

Maxkamaddu ayaa baaritaan ku billowday Gomez oo lagu tuhunsan yahay inay saamaynteeda siyaasadeed uga faa’iideysatay inay lacag ku heshyo iyo musuq-maasuqa la xiriira ganacsigeeda, kadib markii mucaaradka midigta fog ay musuq-maasuq ku eedeeyeen ururkeeda aan dowliga aheyn.

In kasta oo maxkamaddu aysan daaha ka qaadin wax tafaasiil ah oo ku saabsan baaritaanka, shabakadda wararka ee El Confidencial waxay sheegtay inuu la xiriiro shirkado gaar loo leeyahay oo lacag ama qandaraasyo ka helay dowladda intii lagu jiray COVID-19.

Waxa ay sheegtay in baarayaashu ay eegayeen xiriirka ay Gomez la leedahay dalxiiska Spain ee Globalia, oo iska leh Air Europa, markii ay ku jirtay wada-hadallo ay dowladda kaga dooneysay in la bad-baadiyo xilli ay musalf ku dhoweyd.

Xilligaas Gomez ayaa madax ka aheyd hay’adda IE Africa Center, oo heshiis xayeysiin la gashay Globalia 2020.

Sanchez ayaa isla markiiba cambaareeyay wax uu ku sheegay olole siyaasadeed oo lagu doonayo in lagu "dhibaateeyo oo lagu ceebeeyo" isaga, kaasi oo ay wadaan "warbaahin ay si weyn u saameeyeen kooxaha midigta iyo midigta fog".

Markii ay maxkamaddu bishii April xaqiijisay baaritaanka, Sanchez ayaa sheegay inuu ka naxay uuna ka fiirsan doono inuu iscasilo. Waxa uu qaatay shan maalmood, wuxuuna kadib go’aansaday inuu kursiga sii joogo.

Mucaaradka ayaa tallaabadaas ku tilmaamay ruwaayad siyaasadeed, iyagoo sheegay in Sanchez uusan waligiis wax qorshe ah ka laheyn inuu xilka wareejiyo.

Madal

XS
SM
MD
LG