Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xaaskii Abu Bakar Al-Baghdadi oo dil lagu xukumay


Abu Bakr al-Baghdadi:
Abu Bakr al-Baghdadi:

Maxkamad ku taalla Ciraaq ayaa dil toogasho ah ku xukuntay xaaskii hoggaamiyihii kooxda Daacish ee la dilay, Abu Bakar Al-Baghdadi, oo lagu soo oogay dacwado la xiriira dilka haween Yazidi ah, sida ay Arbacadii sheegtay waaxda garsoorka.

Xaaska Baghdadi ayaa dib loogu soo celiyay Ciraaq kadib markii lagu xiray dalka Turkiga, ilo dhanka garsoorka ah ayaa sidaas u sheegay wakaalada wararka ee AFP, iyagoo qarinaya magacooda sababo la xiriira in aan loo ogoleyn inay saxaafadda la hadlaan.

“Maxkamadda dambiyada ee Karkh (galbeedka Baqdaad) ayaa dil toogasho ku xukuntay xaaska argagixiye Abu Bakar al-Baghdadi oo lagu helay dambi ah inay la shaqaynaysay kooxda argagixisada ah ee Daacish iyo inay gurigeeda ku xirtay haween Yazidi ah,” ayay Golaha Sare ee cadaaladda ku sheegeen website-kooda.

Xaaska hogaamiyaha la dilay ayaa xirtay haweenka Yazidi-ga ah oo "kadib ay afduubteen" dagaalyahanada Daacish ee ku sugan degmada Sinjar ee waqooyiga Ciraaq, ayay raacisay.
Ilo-wareedyo garsoor ayaa ku sheegay magaceeda Asma Mohammed.

Washington ayaa ku dhawaaqday bishii October 2019 in ciidamada Mareykanka ay ku dileen Baghdadi howlgal ka dhacay waqooyi-galbeed ee Suuriya, shan sano ka dib markii uu isku magacaabay "Khaliifka" guud ee Suuriya iyo Ciraaq.

Intii lagu guda jiray muddo ay xoog ku qabsadeen waqooyiga Ciraaq 2014, Daacish ayaa waxay si gaar ah u doorteen Yazidi-ga aan Muslimka ahayn, iyagoo si qorsheysan u dilay kumanaan rag ah, dumarkana ku qasbay addoonsi galmo.

Muddo dhowr sano ah, maxkamadaha Ciraaq waxay ridayeen boqolaal xukunno dil ah iyo sidoo kale xabsi daa'in iyadoo la raacayo xeerka ciqaabta ee xubinnimada "koox argagixiso".

Dadka lagu xukumay Ciraaq ayaa waxaa ka mid ahaa in ka badan 500 oo ajaanib ah rag iyo dumar isugu jira oo lagu helay inay ku biireen Daacish.

Ciraaq ayaa bishii Febraayo ku dhawaaqday inay xaqiijisay "dib u soo celinta qoyska" Baghdadi, iyadoo ilo garsoor ay u sheegeen AFP in xaaska Baghdadi, "oo lagu xiray Turkey," dib loo soo celiyay iyada iyo caruurteeda.

Ku dhawaaqista ayaa ku soo beegantay xilli uu TV-ga laga leeyahay Sucuudiga ee Al Carabiya baahiyey wareysi uu la yeeshay “Xaaska Baghdadi”. Waxaa magaceeda lagu sheegay Asma Mohammed.

Bishii November 2019, Turkiga ayaa sheegay in ay xireen xaaska Baghdadi, oo warbaahinta Turkiga ay ku sheegtay Asma Fawzi Mohammed Al-Qubaysi, bishii Juun 2018.

Madal

XS
SM
MD
LG