Xildhibaanada dhawaan la doortay ee Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya ayaa ku qul-qulaya teendhada Afisyooni, halkaas oo saacadaha soo socda lagu dhaarin doono, waxaana la adkeeyay ammaanka xarunta Afisyooni, iyadoo la xiray waddooyinka ka agdhow agagaarka Garoonka Aadan Cadde.
Waxaa la filayaa in maanta la dhaariyo inka badan 200 oo mudane oo ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka, kuwaas oo maalimihii lasoo dhaafay qaatay shahadada xildhibaanimada.
Ra'isul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sidoo kale filayaa inuu goob-joog ka noqdo xafladda dhaarta.
Guddiga doorashada ayaa dhinaca wada bixinta shahaadada xildhibaannimo, iyada oo maanta ay qaateen xildhibaanno horleh.
Wixii war ah ee kusoo kordha halkan ayaad kala socon doontaan.