Glasgow —
Gobolka Scotland waxaa maanta ka dhacday doorashada hoggaanka xisbiga Scottish National Party (SNP) iyadoo uu ku guulaystay Xamsa Yusuf oo ah nin Muslim ah oo asal ahaan kasoo jeedaa dalka Pakistan.
Xamsa Yusuf ayaa berri loo dhaarin doonaa wasiirka 1-aad ee Scotland, isaga oo beddeli doonaa Nicola Sturgeon oo bil ka hor iska casishay xilkan.
Warbixintan waxaa London kasoo diray Ridwaan Xaaji Cabdiwali.