Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xamza oo ku baaqay in lasii xoojiyo amniga Muqdisho


Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo kulan la qaatay taliyeyaasha ciidanka dowaldda Soomaaliya, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo xubno ka mid ah xukuumadda, ayaa sheegay in xilligan loo baahanyahay sii xooojinta ammaanka caasimadda oo hadda soo hagaagaya.

Bilihii dhowaa waxaa yaraaday dilalka iyo qaraxyada ka dhaca magaalada caasimadda ah, ayada oo dolwaddu ay hirgelisay tallaabooyin isbeddel amni oo dhowr ah.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa sii adkeeyay amarkii xakamaynta hubka ee caasimadda ee diidaya in hubka waa weyn iyo gawaarida dagaalka lagu dhex sito magaalada.

Warbixintan waxaa soo diray Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle.

Ra'iisul Wasaare Xamza oo ku baaqay in lasii xoojiyo amniga Muqdisho
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:12 0:00


XS
SM
MD
LG