Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xamza oo si kulul uga hadlay doorashada Jubaland


Xamza Cabdi Barre
Xamza Cabdi Barre

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa sheegay in Dowladda Federaalka aysan aqbali doonin natiijada ka timaado doorashooyinka uu ka shaqeynayo madaxweynaha Jubaland ee Axmed Madoobe.

Waxa uu tilmaamay in maamulka Jubaland uu horay u aqbalay doorashooyinka qof iyo codka ah, oo ay ka shaqeyneyso Dowladda Faderaalka ah ee Soomaaliya.

Hadalka ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa ka muuqday halka uu gaarsiisan yahay khilaafka u dhexeeya dowladda dhexe iyo maamulka Jubaland.

Weriyaha VOA-da ee Muqdisho Cabdicasiis Barrow ayaa warbixintan ka soo diray nuxurka khudbaddii uu maanta jeediyay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Xamza oo si kulul uga hadlay doorashada Jubaland
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:45 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG