Muddo labaatan sano kadib ayey dadka Soomaliyeed fursad u heleen in ay la saan qaadaan qaababka cusub ee lacagaha lagu diri karo iyadoo haatan ay shirkad cusub bilowdey in ay dadka u suurto geliso in ay lacago diraan iyagoo gurigooda jooga.
Ismail Ibrahim Ahmed waa agaasimaha shirkadda World Remit (www.worldremit.com) oo ah shirkadda ugu horeysey ee qaabkaas u howlgasho, wuxuuna magaalada London oo ah xaruunta shirkaddan ugu warramay weriyaha VOA-da ee Qaaradda Yurub Cabdisalaan Hereri.
Waraysiga oo dhamaystiran ka dhegayso qaybta hoose ee boggan.