Koox dabley ah ayaa xalay dil ugu geysatay magaalada Gaalkacayo, ku simihii Xeer ilaaliyaha Maxkamadda gobolka Mudug Maxamuud Aw-Muuse.
Maxamuud Xasan Cismaan, Xeer ilaaliyaha Guud ee Puntland ayaa sheegay in dilkaasi ay geysteen koox dabley ah oo aan haybtood la garaneyn, intii u dhaxeysay salaadii makhrib iyo cisho.
Ma ahan markii ugu horreysay ee dil loo geysto mas'uuliyiin ka tirsan waaxda garsoorka Puntland.