Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xiisadda ka dhex taagan Britain iyo Ruushka oo ka sii dartay


Safaaradda Britain ee Moscow
Safaaradda Britain ee Moscow

Waxaa cirka isku sii shareeraya xiisad diblomaasiyadeed oo ka dhex taagan Britain iyo Ruushka.

Xiisaddan ayaa soo billaabatay ka dib markii Ruushku uu dalkiisa ka soo eryay lix ka mid ah diblomaasiyiinta Britian oo ay ku eedeysay inay ku lug lahaayeen howlo basaasnimo.

Tallaabada Ruushka ayaa loo arkaa mid ka dhalatay caro uu ka qaaday doorka London ee taageerada milatari ee la siiyo Ukraine.

Britain ayaa ku tilmaantay eedaha Ruushka ee shaqaalaheeda Arrimaha Dibadda “olole gardarro ah oo aan hore loo arag oo aan sal iyo raad toona lahayn,”, waxayna u yeertay safiirka London u fadhiya Ruushka.

Warbxinta waxaa London kasoo diray Cabdixaafid Cawil Ismaaciil.

Xiisadda ka dhex taagan Britain iyo Ruushka oo ka sii dartay
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:27 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG