Xildhibaan Maxamed Abiib oo ka mid ah golaha wakiillada ee Somaliland lagana soo doorto gobolka Awdal ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xarrigiisa tan iyo intii xabsiga laga soo daayay.
Xildhibaanka ayaa ayaa si weyn u dhalleeceya xukuumadda uu hogaamiyo madaxweynaha Somaliland Muuse biixi Cabdi oo mucaarad uu ku yahay.
Abiib ayaa xabsiga laga sii daayey 30-kii September kadib amar kasoo baxay Maxkamadda Saree e Somaliland oo sheegtay in xariga xildhibaan Abiib uu baal maray sharciga, ayada oo cuskatay in golaha wakiillada Somaliland ay cod aqlabiyad ah ku diideen xasaanadii ay xeer ilaalinta dowladda dooneysay in laga qaado xildhibaanka.
Warbixin arrinkaasi ku saabsan waxaa diyaariyay Cabdulqaadir Maxamed Mursal.
Madal