Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xildhibaan Maxamed Abiib oo lagu xiray Hargeysa


Xildhibaan Maxamed Abiib
Xildhibaan Maxamed Abiib

Wararka ka imanaya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka ee Somaliland ay xireen xildhibaan Maxamed Abiib oo ka tirsan golaha wakiillada Somaliland.

Mas’uuliyiin iyo xildhibaano ay VOA-da la hadashay ayaa xaqiijiyay in xildhibaanka laga qabtay garoonka magaalada Hargeysa xilli uu ka oo laabtay dalka Imaaraadka Carabta.

Xildhibaan Abiib ayaa lagu yaqaan hadallo kulkul oo uu kaga soo horjeedo xukumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Bishii July ee sanadkan ayaa xeer ilaaliyaha guud ee Somaliland waxa uu Golaha Wakiillada ka dalbaday in ay xil ka xayuubin ku sameeyaan xildhibaan Maxamed Abiib.

Eedaha xilligaasi loo soo jeediyay xildhibaanka waxaa ka mid ah, in mas’uuliyiin ka tirsan Saafaradda Soomaaliya ee dalka Jabuuti uu la kulmay iyo in arrimaha Ciidamada Somaliland uu ka hadlay.

Bartamihii Bishii August ayaa kulan ay arrintaa Golaha Wakiilada Somaliland ka yeelan lahaayeen waxaa uu u baaqday ka dib markii uu buuxsami waayay kooramka ama tirada loo baahnaa si xasaanadda looga qaado xildhibaan Abiib.

Ma cadda in xarigga Xildhibaan Abiib uu daba socdo dacwaddii Xeer Ilaalinta Somaliland iyo in kale.

Faah-faahin dheeraad ah waxaa soo diray Xamse Cali Jeesto.

Xildhibaan Maxamed Abiib oo lagu xiray Hargeysa
please wait

No media source currently available

0:00 0:01:15 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG