Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xildhibaan Soomaali ah oo loo doortay baarlamanka Ontario


Doug Ford iyo Maxamed Firin
Doug Ford iyo Maxamed Firin

Xisbiga muxaafidka ee Progressive Conservative (PC) ayaa ku guuleystay doorashada gobolka Ontario ee dalka Canada oo xalay lasoo gaba-gabeeyay.

Maxamed Firin oo kamid ah dhallinyarada Soomaalida ah ee ku koray dalkaas ayaa kamid noqday murashixiinta ka tirsanaa xisbigaas ee guuleystay.

Gobolka Ontario ee dalka Canada, oo ay deggen yihiin Soomaalida ugu badan ee dalkaas, ayaa waxa ay dooranayeen madaxa gobolkaasi hoggaamin doona 4-ta sano ee soo socota.

Doorashada ayaa kusoo beegantay xilli ay suuragal tahay inay dhaqan-gasho canshuur kordhin 25% ah, oo madaxweynaha Mareykanka uu kusoo rogay waxyaabaha dalkaasi uu usoo dhoofiyo Mareykanka.

Xuseen Nuur Xaaji ayaa soo diray warbixin ku saabsan doorashada guud, iyo mid ka hadleysa guusha Maxamed Firin.

Warbixintan doorashada baarlamanka Ontario
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:24 0:00
Guusha Maxamed Firin
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:04:53 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG