Kulan ay maanta magaalada muqdisho ku yeesheen in ka badan 100 xildhibaan oo ka tirsan mudanayaasha barlamanka kmg ah ayaa waxa ay Madaxwayne Sheekh Shariif Sheekh Axmed talo ahaan ugu soo jeediyeen in muddo 3 casho ah uu ku soo magacaabo Ra'iisul wasaare cusub, haddii mudadaasi inta ka dhiman ayan golaha xukuumada cusub kalsooni ku soo waydiisan golaha barlamaanka
Kulanka ay maanta yeesheen mudanayaasha barlamanka ee ay tiradoodu kor u dhaafayso 100ka xubnood ayaa war murtiyeed ay ka soo saareen Kulankooda waxaa saxaafada u aqriyay xildhibaan Maxamed Nuur Sheegoow.
Sidoo kale xildhibaan Maxamed Nuur Sheegoow ayaa sheegay in xildhibaanada baarlamaanku ay iminka af duub ugu jiraan sida uu hadalka u dhigay guddoonka sare ee baarlamaanka, waxana uu tilmaamay in kulankii shalay fara galin lagu sameeyay qaar ka mid ah xeer hoosaadka baarlamaanka.
Qaar ka mid ah xildhibaanadii ka qayb galay kulanka maanta ayaa saxaafada u sheegay in xukuumada cusubi ay doonayso in ay barlamanka u soo dirto tiro wasiiro ah kuwaasoo ay sheegeen in ay doonayaan in ay carqaladeeyaan mooshinka ka dhanka ah xukuumada ee iminka horyaala baarlamaanka.
Dhawaan ayay ahayd markii is qab qabsi u dhaxeeya mudanayaasha baarlamaanka uu sababay in uu meesha ka baxo hoggaankii hore ee baarlamaanka isla markaana la doorto hoggaan cusub.