Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xildhibaano Golaha Shacabka horgeeyey mooshin ajende


Xildhibaanada baarlamanka
Xildhibaanada baarlamanka

Tiro xildhibaanno ah oo ka tirsan Aqalka Hoose ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa horgeeyay golaha mooshin ku saabsan wax ka baddalka ajandayaasha maalmahan ay ka doodayeen.

Xildhibaanadan ayaa dalbaday ka doodista arrimo ay ka mid yihiin amniga marxaladda uu dalka hadda ku jiro sida arrinta hubka ee Caabudwaaq oo maalmahaan aad loo hadal hayay iyo dhowrista xasaanadda xildhibaanka.

Mudaneyaasha golaha shacabka ayaa u codeeyay in la gudo galo mooshinka oo ay saxiixeen 18 xildhibaan, iyadoo gudoomiyaha golaha shacabka uu sheegay in wixii hadda ka dambeeya la guda galayo ka doodista arrimaha ay mudanayaasha soo jeediyeen iyo wax ka baddalka ajendaha.

Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah xildhibaannada saxiixay ayaa uga warramay Cabdulqaadir Samakaab soo jeedintooda iyo waxyaabaha ku jira.

Xildhibaano Golaha Shacabka horgeeyey mooshin ajende wax ka beddel
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:01 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG