Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xisbiga KULMIYE Oo Doortay Muuse Biixi


Mas'uuliyiinta Xisbiga Kulmiye
Mas'uuliyiinta Xisbiga Kulmiye

Muuse Biixi Cabdi oo ah guddoomiyaha xisbigaas ayaa waxa uu noqon doonaa musharaxa u matalaya doorashada madaxweynaha Somaliland.

Shirkii golaha dhexe ee Xisbiga talada Somaliland haya ee KULMIYE ayaa maanta lagu doortay murashaxiinta madaxweynaha iyo ku-xigeenka Xisbigaas ugu tartamaya doorashooyinka madaxtooyada ee Somaliland.

Muuse Biixi Cabdi oo ah guddoomiyaha Xisbigaas oo aanay cidi kula tartamayn jagadaas ayaa loo doortay in uu noqdo murashaxa madaxweynaha, halka madaxweyne-ku-xigeenka iminka Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) loo doortay musharaxa madaxweyne-ku-xigeenka ee Xisbigaas.

Saylici ayaa waxaa la tartamay oo uu ka adkaaday wasiirka Caafimaadka Dr. Saleebaan Ciise (Xaglo-toosiye) oo isna doonayey inuu noqdo murashaxa madaxweyne ku xigeenka.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, oo ka hadlay madashada ayaa sheegay inaysan jirin eedeymaha loo jeedinayo ee ah inuu isaga kala taageeray xubnaha u tartamayey inay noqdaan musharraxa xisbiga Kulmiye.

Siilaanyo waxa kale oo uu sheegay inuu saaxiibadiis uga tanaasulay inuu mar labaad isku sharxo jagada madaxweynaha Somaliland

Waxaa shirkaasi ku sugnaa oo warbixintan inooga soo diray weriyaha VOA ee Hargeysa Barkhad Kaariye.

Doorashada Xisbiga Kulmiye
please wait

No media source currently available

0:00 0:07:15 0:00

XS
SM
MD
LG