Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xukuumadda Justin Trudeau oo wajahaysa codka kalsoonida


Justin Trudeau
Justin Trudeau

Dowladda aan aqlabiyadda heysan ee dalkan Canada ee uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Justin Trudeau ayaa lagu wadaa in toddobaadka dambe codka kalsoonida loo qaado, si loo rido, islamarkaana loogu qasbo in la aado doorasho xilligeeda laga soo hormariyay.

Xisbiga Conservative-ka ee midigta iyo siyaasiyiiin uu kamid yahay madaxa gobolka Quebec ayaa xisbiyada kale ku dhiiri-gelinaya in ay taageeraan codka kalsoonida loogala noqonayo dowladda Trudeau.

Laakiin xisbiga NDP ee bidixda fog oo dhawaan ka laabtay heshiis ay ku xoojinayeen dowladda aan aqlabiyadda heysan ee Liberal-ka ayaa la filayaa inaysan taageerin codka loo qaadayo Justin Trudeau.

Haddaba, wariyaha VOA-da ee Canada Xuseen Nuur Xaaji ayaa arrimahan ka wareystay Faysal Xasan oo horey usoo noqday xildhibaan heer gobolka ah, kana tirsan xisbiga NDP.

Xukuumadda Justin Trudeau oo wajahaysa codka kalsoonida
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:11 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG