Dalka Mareykanka Talaadadii, kaliyah ma aysan dhicin doorashada madaxtinimada, hase yeeshee waxay cod-bixiyaasha sidoo kale u codeeyeen murashaxiinta ku tartameysa qaar ka mid ah kuraasta labada aqal ee Koongareeska.
Natiijada kasoo baxda doorashada Koongareeska ayaa door weyn ka ciyaari doonta, meel marinta ajandayaasha siyaasadeed ee ay la iman doonto xukumadda qofki ku guuleysto xilka madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ama Kamala Harris.
Dhammaan 435-ta kursi ee Aqalka Wakiillada ayaa miiska saaran oo lagu tartamayaa. Kuraastan ayaa doorasho laa aadaa labadii sannaba mar. Halka 24 kursi oo ka mid ah 100-ka kursi ee Senate-ka ay iyaguna ku jiraan tartanka doorashada. Kuraasta Senate-ka ayaa doorasho gala lixdi sannaba mar.
Dimoqraadiga ayaa hal cod ku maamula hadda aqlabiyadda Senate-ka, halka Aqalka Wakiillada ay aqlabiyaddiisu heystaan Jamhuuriyiinta.
Jamhuuriyiintu fursad wanaagsan ayay u heystaan in ay dib ula wareegaan gacan ku heynta Aqalka Senate-ka, halkaas oo hadda la kala joogo 51-49. Mudanaha laga soo doorto gobolka West Virginia oo dimoqraadi ah ayay u badan tahay in kursigiisu halaan Jamhuuriga.
Dhanka Aqalka Wakiillada, 23-ka kursi ee lagu tartamayo ayaa intooda badani waxaa hadda ku fadhiya mudanayaal Dimoqraadi ah, taas oo suurtagal ka dhigi karta in ay qaar lumiyaan.
Madal