VOA oo Wareysi la Yeelatay Madaxweyne Xasan

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo VOA siiyay wareysi khaas ah ayaa soo dhaweeyay aqoonsiga ay dowladda Maraykanku siisay dowladdiisa.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Maraykanka booqasho ku jooga ayaa sheegay in dowladdiisa iyo dowladda Maraykanku ay dhawaan safaaraddo ka furan doonaan Muqdisho iyo Washington.

Madaxweynaha wuxuu wareysigan khaaska ah ee uu siiyay VOA kaga hadlay arrimo badan oo ay ku jiraan aqoonsiga Marykanka, ururka al-Shabaab, dhismaha maamul-goboleedyada iyo arrimo kale.

Madaxa laanta Af-Soomaaliga ee VOA C/raxmaan Yabarow ayaa madaxweyne Xasan Sheekh wareysiga kula yeeshay magaaladan Washington.

Wareysiga qeybta hoose ka dhageyso.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso wareysiga Madaxweyne Xasan Sheekh



Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso wareysiga Madaxweyne Xasan Sheekh