Xildhibaanadan oo tiradoodu tahay 10 xildhibaan oo 7 ka mid ahi ka soo jeedaan Saylac halka 3da kalena ay ka tirsanyihiin golaha deegaanka Lughaya ayaa is casilaadooda kaga dhawaaqay degmada Xariirad ee gobolka Salal.
Is casilaadda xildhibaanadan ayaa daba socota muran la xiriira natiijadii doorasahada golayaasha deegaanka sida uu VOAda u sheegay Xildhibaan Geesh Aadan Bile.
Xildhibaanka oo u warramay VOA ayaa sheegay in ay is casileen iyaga oo tixgalinaya sida uu tilmaamay rabitaanka beeshooda.
Xildhibaan Geesh Bile ayaa sidoo kale tilmaamay in beesha ay ka soo jeedaan xildhibaanada maanta is casilay ay ka cabanayso tixgalin la’aan ay la kulmeen.
Xildhibaanada ayaa sheegay in arrintan ay tahay mid u taalla maamulka Somaliland.

Your browser doesn’t support HTML5
Warbixintii Saylac iyo Lughaya