Kenyatta oo u Muuqda Inuu ku Guuleystay Doorashada Kenya

Natiijooyinka codadka la tiriyay gobolada Kenya ayaa muunjinaya in murashaxa Uhru Kenya uu ku guuleystay doorashada codad aan badneyn.

Bomas of Kenya waxaa xalay lagu soo gebagebeeyey tirinta codadka doorashada Madaxweynenimo ee dalka Kenya.

Codadka ay soo bandhigeen Gudiga Doorashada oo lagu shaaciyay warbaahinta Kenya ayaa muujiyay in ra’isul wasaare ku xigeenka Kenya Uhuru Kenyatta uu guul caata ah ku helay doorashada.

Ka dib markii la tiriyay codadka oo dhan Mr. Kenyatta waxuu ku guuleystay 50.03 % halka Ra’isul Wasaare Raila Odinga uu kaalinta labaad soo galay. waxa uu ka sareeyaa 4,109 cod tiradii loo baahnaa inuu ku guuleysto doorashada.

Murashixii sida weyn ula baratamayay ee kaalinta 2aad galay Raisul Wasaaraha Kenya Raila Odinga ayey u egtahay inuu sharciyan ka horyimaado hadii ay cadaato inuu guul dareystay.

Mr Kenyatta waxa uu helay 6,173,433 dhamaan codadkii la dhiibtay oo gaarayay 12,338,667, isagoo ka horeeya Raila Odinga, oo isna helay 5,340,546 - oo u dhiganta codadkii ay dadku dhiibteen,

Si kastaba ha ahaatee, labada murashax ayaa ku cawday inay jirtay ku shubasho intii cod tirintu ay socotay, ilaa iyo maalintii doorashada ee isniintii la soo dhaafay.