Madaxweynayaasha Somalia iyo Kenya oo Kulmay

  • Mohamed Olad
Madaxweynaha Somalia Hassan Sheikh Mohamud ayaa maanta kulan kula yeeshey magaalada Mombasa Madaxweynaha cusub ee Kenya Uhuru Kenyatta.

Kulanka labada madaxweyne oo ahaa mid albaabada u xiran ayaa loo badinayaa inay kaga wada hadleen xiriirka labada dhinac u dhexeeya iyo iskaashiga dhinaca amaanka.

Madaxweyne Hassan Sheikh ayaa lagu soo waramaya in kulankaasi kadib uu ka ambabaxay magaalada Mombasa ee Kenya, iyadoo la filayo inuu dib ugu laabanayey Muqdisho.