Muqdisho: Xafiiska UNDP oo la Weeraray

Weerarkii Xarunta UNDP - Muqdisho

Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhimatay tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen, ka dib markii maanta ay rag hubeysan oo ka tirsan kooxda Alshabaab ay weerar ku qaadeen Xarunta Hay'adda UNDP ee magaalada Muqdisho.

Your browser doesn’t support HTML5

Weerarkii UNDP Muqdisho.


Wasiirka Arrimaha Gudahaee Soomaaliya, Cbdikariin Xuseen Guuled ayaa sheegay in 15-ka qof ee dhintay ay ku jiraan 4 ajanabi ah. Warar ayaa sheegaya in afarta ajaanabiga ay kala yihiin 3 u dhashay Koonfurta Afrika iyo hal qof oo Kenyan ah.

Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay ciidamada dowladdu ay gabi ahaanba la wareegeen ammaanka dhismaha xarunta hay'adda UNDP, kaasi oo markii hore ay qabsadeen maleeshiyada Al-Shabaab.

Qaramada Midoobey, Midowga Afrika iyo dowladda Soomaaliya ayaa canbaareeyey weerarka lagu qaaday xarunta hay'adda Qaramada Midoobay ee mgaalada Muqdisho.

Mas'uuliyadda weerarka ayaa waxaa sheegtay Ururka al-Shabaab

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso Wararka Qaraxii Xarunta UNDP ee Muqdisho


Sawirro: Weerarkii UNDP