Kay: Waan sii Wadeynaa Hawlgalkeena Somalia

Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay oo VOA u waramay.

Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Kay oo waraysi siiyey IdaacaddaVOA, ayaa sheegay inay cashar ka baranayaan weerarkii shalay balse ay sii wadayaan hawlgalkooda Soomaaliya.

Mr. Kay, ayaa sheegay in dib u dhiska xarunta weerarka lagu qaaday shalay uu maantaba bilowday. Qaramada Midoobay-na waxa ay sheegtay in weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen xaruntooda aanu ka horjoogsan doonin hiilka ay la garab joogaan Soomaaliya, isla-markaana aaney ka bixi doonin dalka Soomaaliya.

Nicholas Kay ayaa u waramay wariyaha VOA Haaruun Macruuf, wareysiga oo dhan halkan hoose ka dhageyso.

Your browser doesn’t support HTML5

Wareysiga Nicholas Kay