Ururka Alshabab oo Rag iska Laayey

Ururka Alshabab ee Somalia ayaa xaqiijiyey in labo ka mid ah ururka lagu dilay magaalada Baraawe oo 350km dhinaca koonfureed ka xigta magaalada Muqdisho.
Afhayeenka ururka Cabdicasiis Abu Muscab ayaa fariiq maqal ah ku sheegay in xoogagga mujaahidiintu ay qaadeen howlgal lagu soo qabqabanayo xubno ka tirsan isla mujaahidiinta, kuwaas oo lagu helay inay kala qeybinayeen ururka. Waxa uu sheegay in qaarna la soo qabtay, qaar kalena ay iska caabin sameeyeen sidaas darteedna howlgalkii u dhinteen.

Dhinaca kale, nabadsugidda Somalia ayaa la wareegtay Sheekh Xasan Daahir Aweys, iyada oo ay rabshado ka dhaceen markii ay nabadsugiddu gacanta ku dhintay. Wararka ayaa sheegaya in odayadii Cadaado ka keenay ay diideen in nabadsugiddu kaxaysato, sheegeena in dawladdu ay baalmartay wixii ay ku heshiiyeen oo ahay in Sheekh Aweys si wanaagsan loola dhaqmo.

Warbixin iyo wareysiyo arrimahaas la xiriira hoosta ka dhageyso.

Your browser doesn’t support HTML5

Dilalka Alshabab iyo Xiridda Sh. Aweys