Wadahadaladii Nabadda B. Dhexe oo Dib u Bilaabmaya

Ra’isul Wasaaraha Israeli Benjamin Netanyahu ayaa u muuqday inuu hoos u dhigay waxyaabihii laga rajeynayay wada xaajoodyada soo socda ee dowladiisa ay yeelaneyso Falastiin, isagoo sheegay in wada hadaladu ay noqon doonaan kuwo adag., isla markaana heshiis kasta ama natiijada kasta oo ka soo baxda ay dhaqan gal ku noqon doonto oo kaliya marka afti looga qaado Shacabka Israel.

Laakiin Mr. Netanyahu sidoo kale wuxuu sheegay in wadaxaajoodyadu ay yihiin mid Israel ay ugu jirto dano Istaraatiijiyadeed, isagoo soo dhaweeyay in wada xaajoodka la sii amba qaado, afar sanadood ka dib markii ay hakad ku jireen.

Hadalkan oo uu Mr. Netanyahu ka jeediyay kulanka todobaadla ah ee golihiisa wasiirada oo axadii shalay ka dhacay Magaalada Qudus, ayaa daba socday heshiis uu mareykanka dhex dhexaad ka ahaa oo labada dhinac ay ku gaareen in dib loo bilaabo wada xaajoodkii nabadda ee bariga dhexe.

Wada hadaladii ugu dambeeyay ee Israel iyo Falastiiniyiintu ay yeeshaan ayaa bur buray sanadkii 2010kii.

Xuduudaha, Qaxootiga, Amaanka, Dhulka Yahuudda lagu deegaameeyay iyo mustaqbalka Magaalada Qudus ayaa ka mid ah arimaha ugu waaweyn ee Isreal iyo Falastiin aysan weli xal ka gaarin.