Dibadbaxyo Maanta ka Dhacaya Qaahira

Dadka reer Masar ayaa u diyar garoobaya dibad baxyo waaweyn oo iska soo horjeeda oo ka dhaca dalkaasi, maanta oo Jimca ah, iyadoo taageerayaasha iyo kuwa ka soo horjeeda Madaxweynihii xoogga xukunka looga eryay Maxamed Mursi ay qorsheynayaan inay isugu soo baxaan wadooyinka.

Dadka reer Masar ee taageersan erintii Miltariga uu dhawaan eryay Mursi oo ahaa madaxweynihii ugu horeeyay ee si dimuquraadi ah loo soo doorto dalkaasi iyo kuwa weli ku adkeysanaya in Mursi uu madaxweynahooda yahay ayaa labaduba qorsheynaya dibad baxyo, laga cabsi qabo inay isku dhacyo dhimasho dhaliya ay keenaan.

Khamiistiina , xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa ku baaqay in la is xakameeyo, isagoo Miltariga Masarna ku booriyay inay sii daayaan Mr. Morsi iyo xubnaha kale ee Xisbiga Ikhwanul Muslimiinka ee u xiran .

warbixin uu inoo soo diray wariyeheena Xuseeen Cusman Xuseen Saxnuuni halkan hoose ka dhageyso.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso warbixinta dibad baxyada Masar