Muqdisho: Qunsuliyadda Turkiga oo la Weeraray

Turkey has opened an embassy in Mogadishu and is expanding business ties with Somalia.(Pete Heinlein/VOA)

Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in afar ruux ay dhinteen markii qarax ismiidaamin ah lala beegsadey xafiis ay dowladda Turkiga ku leedahay magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiinta maamulka degmada Hodan ayaa VOA u xaqiijiyey in xarunta la weerarey ay ahayd qunsuliyadda KMG ee safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho.

Qarax kadib, ayaa rag hubeysan oo isku dayey inay gudaha u galaan dhismaha waxaa rasaas ku furey ciidamadii ilaalada ka ahaa dhismaha oo isugu jirey Soomaali iyo Turki, waxaana halkaa lagu diley saddex dabley ah, iyadoo qofka afraad ee dhintey uu ahaa ardey waddada marayey sida uu xaqiijiyey Dr Abdulqadir Abdirahman Adan oo ah madaxa gaadiidka gurmadka degdegga ee Muqdisho.

Dr Adan ayaa intaa ku darey inay shan ruux oo dhaawac ah ay ka soo qaadeen goobta qaraxa uu ka dhacay.

Weli lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhacay gudaha dhismaha oo sida la rumeysan yahay ay ku jireen saraakiil u dhashey Turkiga.

Ururka Al Shabab oo dagaal kula jira dowladda iyo ciidamada Midowga Africa, ayaa sheegtey inay weerarkaasi fuliyeen. Fariin la soo dhigey bogga twitterka ayaa Al Shabab waxay ku sheegtey in Turkiga uu ka mid yahay dalalka taageera dowladda Somalia, isla markaana uu ka soo horjeedo in sharciga islaamka lagu xukumo Soomaaliya.