Somalia oo la Heshiisay Shirkad Ilaalisa Xeebaha

Dowladda Soomaaliya ayaa heshiis la gashay shirkad ilaalisa xeebaha oo lagu magacaabo the Atlantic Marine and offshore Group, taasoo fadhigeedu yahay dalka Holland.

Heshiiska labada dhinac aaya dhigaya in shirkaddan in ay ilaaliso xeebaha dalka Soomaaliya, islamarkaana ay ka qeybqaadato dib u dhiska iyo dib u qalabeynta ciidamada ilaalada badda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtey in heshiiskan oo soconaya muddo shan sano ah uu dalka u horseedayo xasilooni iyo dib u soo kabashada ilihii dhaqaale ee uu dalku lahaa.

Heshiiskaan waxaa dhanka Soomaaliya u saxiixey Wasiirka Difaaca ee Soomaaliya Abdihakim Haji Mohamud Fiqi. Waxaana uu u waramey Falastiin Ahmed Iman.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso Wareysiga oo Dhan.