Madaxweyne ku Xigeenka Kenya oo la Maxkamadeynayo

Madaxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto, oo loo heysto kaalinta uu ku lahaa dambiyo dagaal oo ka dhacay Kenya sanadihii 2007 iyo 2008dii

Mr. Ruto ayaa ka soo muuqday maxkamadda oo ku taala magaalada Hague ee dalka Netherland, maanta oo talaada ah, xilligii la furayay dacwad qaadista oo socon doona sida qorshuhu yahay ilaa iyo bisha Novemver ee soo socota.

Mr. Ruto ayaa ku eedeysan inuu gacan ka geystay abaabulka rabshado ka dhashay doorashooyin lagu murmay oo kenya ka dhacay 2007dii iyo 2008dii, rabshadahaas oo ay ku dhinteen in ka badan kun qof oo reer kenya ah, in ka badan nus malyuun qofna ka bara bixiyay guryahooda.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa dacwad qaadistan waxaa ku wehliya oo isna dacwadiisa la qaadayaa Joshua Arap Song, oo Agaasime ka ahaa Radio dalka Kenya,

Labadan masuul ayaa ku doodaya inaysan wax dambi ah laheyn.