Khasnadaha Dowladda Mareykanka oo Xirmay

USA flag.

Caawa Waqtiga Mareykanka markii ay aheyd 12ka Saqda Dhexe ayaa waxaa xirmay Khasnadaha Bixiya lacagaha dowladda Mareykanka ay ku shaqeyso, ka dib markii labada aqal ee Congresska ay ku guul dareysteen inay ku heshiiyaan hal sharci miisaaniyadeed iyo sida laga yeelayo barnaamijka Caafimaadka ee Hindisihiisu uu leeyahay Madaxweyne Obama.

Gelinkii dambe ee isniintii shalay ayaa xubnaha aqalka congresska ee ay ku xooganyihiin Jamhuuriyiitu ay ansixiyeen sharci miisaaniyadeed kale oo dib u dhigis ku sameynaya dhaqangelinta barnaamijka caafimaadka ee Madaxweyne Obama ee loogu yeero “OBAMA CARE “

Aqalka Senate oo ay isna ku xooganyihiin xubnaha Dimuquraadiga ayaa diiday sharcigaasi daqiiqado ka dib markii loo gudbiyay. si la mid ah sidii dhacday gelinkii hore ee isniintii shalay.

Ismari waagan ayaa keenay in shaqooyinka dowladda oo dhan ay istaagaan , marka laga reebo adeegyada qaran ee lagama maarmaanka ah.