Safarka Canada ee Ra'isul Wasaare Xigeenka

Dowladda Canada ayaa dhawaan ku dhawaaqday inay qorsheyneyso inay ku bixiso lacag gaareysa 6 malyuun iyo shan boqol oo kun oo dollar dadaalka ku aadan soo celinta amaanka Somalia, xalinta qilaafaadka ,arimaha xuquuqda Aadanaha, mashruuc lagula dagaalamayo gabdhaha aan qaan gaarka aheyn ee guurka lagu qasbo.

Wasiirka Arimaha dibadda ee Canada John Baird ayaa hadalkan ku dhawaaqay xilli ay dalka Canada booqasho ku joogto Ra’isul wasaare ku xigeenka Somalia ahna wasiirka arimaha dibadda Marwo Fowziyo Yuusuf Xaaji Aaden.

Dhinaca kale Xaflad Balaaran oo ay soo qaban qaabiyeen Jaaliyadda Somalida ee magaalada Toronto ee dalka Canada oo Ra’isul wasaare ku xigeenka lagu soo dhaweynayay ayaa xalay magaaladaasi lagu qabtay.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso warbixinta Xafladda Torronto