Awooddii Alshabab ma soo Noqonaysaa?

Sannad ka hor ciidamada dawladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika waxay guluf culus ku hayeen Al-Shabab, iyadoo xiligaas bil walba Al-Shabab ka qabsanayeen magaalooyin cusub.

Al-Shabab waxaa laga saaray inta u dhaxaysa Muqdishio iyo Afgooye, iyo welba magaalooyinka Marka iyo Kismaayo.

Awooddii ay lahayd waxay iskugu tagtay dhulka baadiyaha ee gobollada Shabeellada Hoose, Jubbada Dhexe, Bay iyo Bakool.

Dhowaanna Amiirka Al-Shabab waxa uu ka takhalusay xubno ka tirsanaa ururka oo ka soo horjeeday, kuwo kale oo ajaanib ku jiraanna waxaa uu ku qasbay inay waddanka iskaga cararaan.

Bishii Sebtember Al-Shabab waxay weerar culus ku qaaddey Kenya; sidoo kale dhowaan waxay laba weerar ka fulisay Muqdishu iyo Nayroobi. Intaas waxaa dheer Al-Shabab oo dhoollatusyo ka samaysay dhulka ay ka taliso meelo ka mid ah.

Haddaba masoo laabanaysaa awooddii Al-Shabab? Haaruun Macruuf ayaa inoo haya warbixintan.

Your browser doesn’t support HTML5

Warbixinta Alshabab