Rouhani: Joojin Mayno Naaxinta Yuraniyamta

Madaxweynaha wadanka Iran Hassan Rouhani

Madaxweynaha wadanka Iran Hassan Rouhani, ayaa sheegay in dalkiisu aanu joojin doonin howlaha la xiriira hormarinta barnaamijkeeda nuclearka, islamarkaana waxa uu balanqaaday inuu wadashaqeyn wanaagsan la sameynayo beesha caalamka

Mr. Rouhani ayaa wareysi uu siiyey television-ka IRIB waxa uu ku sheegay in Iran ay xaq u leedahay inay naaxiso macdanteeda yuraniyamta, taalabadaana ay tahay mid aaney joojin doonin abid.

Hadalkan madaxweynaha Iran, ayaa imanaya dhowr maalin uun ka dib markii ay Iran heshiis ku meel gaar ah la gaartay xubnaha joogtada ka ah Golaha Ammaanka ee QM iyo wadanka Jarmalka, heshiiskaas oo dhigaya in Iran ay xaddiddo barnaamijkeeda Nuclearka, taa badalkeedna ay beesha caalamku ka qaaddo cunaqabateynta caalamiga ah.

Heshiiskan lixda bilood ah, ayaa waxa uu u ogolaanayaa Iran inay sii wadi karto naaxinta macdanta yuraniyamta boqolkiiba shan oo kaliya, heerkaas oo ah mid saamaxaya in koronto uun lagu dhaliyo. Iran ayey tahay inay dhinto keydkeeda macdanta yuraniyamta ee ah boqkiiba 20, kaasi oo loo adeegsan karo cilmibaarista dhanka caafimaadka, balse sidoo kalena qarka u saaran heerka loo baahan yahay in lagu sameeyo bam nuclear ah.