Amm. Islaamka: Gargaarka Duufaanada Somalia

Sawir muujinaya xoolo ku dhintay duufaantii Puntland

Xarumaha Islaamka ee ay Soomaalidu maamusho ee Woqooyiga Maraykanka ayaa dadaal ka geystay taakuleynta dadkii ku waxyeeloobay duufaanadii iyo roobabkii ka da'ay meelo ka mid ah Somalia.

Golaha Imaamyada Woqooyiga Maraykanka oo kaashanaya Hay'adda Humaniterian African Relief Organization (HARO) ayaa ku deeqay lacag gaareysa 80 kun oo dollar. Lacagtaas ayaa 60 kun oo ka mid ah loo dhiibay Hay'adda HARO, halka 20ka kalena loo dhiibay Hay'addo kale.

Dhinaceeda Hay'adda Amoud Foundation ee sanado baan kusoo jirtay hawlaha gargaarka ayaa iyaduna qeyb ka ah wax ka qabashada dhibaatooyinka ka dhacay Somalia.

Barnaamijka oo dhan hoosta ka dhageyso.

Your browser doesn’t support HTML5

Ammuuraha Islaamka