Faroole iyo Musharrixiinta oo Ishaysta

Faroole

Mdaxweynaha Puntland Cabdiraxman Faroole ayaa magacabaay Guddiga Ansixinta Xildhibaanada Baarlamanka Puntland, laakiin waxaa talaabadaasi ka horyimid murashixiinta u taagan doorashada Puntland.

Guddigan uu magacaabay Faroole ayaa ka kooban 8 xubnood, isagoo sheegay in dastuurka Puntland uu u ogolaanayo inuu guddigan soo magacaabo.

Dhinaca kale musharixiinta u taagan doorashada oo shir jaraa'id qabtay ayaa diiday talaabadan, waxeyna sheegeen in dhinacooda ay soo dhisi doonaan guddi kan la mid ah.

Ra'iisul-wasaarihii hore ee Soomaaliya, Prof. C/weli Maxamed Cali oo ka mid ah musharrixiinta Puntland ayaa VOA u sheegay inaysan macquul ahayn in qof ka tirsan musharrixiintu uu soo magacaabo guddigii ansixin lahaa xildhibaannada Puntland oo iyagu soo dooran doona madaxweynaha.