Faaqidaadda Todobaadka: Doorashada Puntland

Barnaamijka Faaqidaadda ee todobaadkan waxaan ku soo qaadanaynaa doorshada madaxtinimada oo bisha dambe ka dhici doonta Puntland.

Arrimaha uu Barnaamijku faaqidi doono waxaa ka mid ah: doorka ay odayaasha dhaqanku ku leeyihiin doorshada, qodobada la isku maandhaafsanyahay ee la xidhiidha doorashada iyo saamaynta ay doorashadu ku yeelan karto nolosha dadweynaha ku nool Puntland.

Waxaana barnaamijka ka qayb qaadanaya, Ismaaciil Aadan Diiriye oo ah aqoonyahan ku sugan London kana faalooda arrimaha Puntland iyo guud ahaan Somalia.

Waxa kale oo ka qayb qaadanaya Burhaan Axmed Daahir oo ah guddoomiyaha ururka saxafiyiinta, iyo Jeylaani Faarax Dhegayste oo ka mid ah aqoonyahanada mudana la soo shaqeeyay ururada aan dawliga ahayn.

Barnaamijka waxaa soo diyaariyay oo daadihinaya Maxamaed Cabdi Sandheere, waxaanad ka dhegaysan kartaa isaga oo dhan qaybta hoose ee boggan.

Your browser doesn’t support HTML5

Faaqidaadda Todobaadka iyo Doorashada Puntland