Wicitaanka: HIVAIDS Koonfurta & Bartamaha Somalia

Magaalada Baydho ee xarunta gobalka Baay ayaa dhawaan lagu soo gabagabeeyay shirweyne looga hadlayay arrimaha AIDS-ka ee bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya.
Shirka ayaa ku soo beegmay xilli Urur ka shaqeeya ka hortagga cudurka AIDS-ka uu sheegay in daraasad uu sameeyay ururkaasi ay ku ogaadeen in dadka la nool cudurka ee ku dhaqan Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya ay ka badanyihiin 600 oo ruux.

Hadaba dadka la nool xanuunkaasi Somalia ma helaan daryeel caafimaad, sideese bulshadu ula dhaqanta, arimahaa ayaan ku eegeynaa barnaamijkeena wicitaanka dhageystaha todobaadkan, waxaana marti ku ah Guddimiyaha Hay’adda ka hortagga cudurka ADIS-ka ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya Axmed Maxamed Jimcaale.

Inta uu barnaamijka socdana waxaa su’aalo ku weydiin qaar ka mid ah dhageystayaasheena.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha