Miisaaniyadda Dawladda Somalia oo Gaareysa $218 Milyan

Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya Xuseen Cabdi Xalane ayaa sheegay in dawladda ay kordhinayso dakhliga kasoo xarooda gudaha in ka badan 50% sanandkan. Waxa wasiirku uu maanta hortagay baarlamaanka Soomaaliya isaga oo u bandhigay miisaaniyadda sannadkan soo socda oo la saadaaliyey 218 milyan oo dollar. Wasiirka oo waraysi siyey idaacadda VOA ayaa sheegay in ku dhowaad kala-badh miisaaniyadda ay saadaalinayaan inay kasoo xarooto gudahe. Khadka telefoonka ee Muqdishu ayuu ugu warramaya Haaruun Macruuf, oo ugu horrayn weydiiyey wasiirka sida ay dakhligaasi kusoo xaraynayaan.

Your browser doesn’t support HTML5

Miisaaniyadda Somalia