Kenya: Haweenay Police ka Dhuumaynaysa oo Dabaq ka Dhacday

Xaafadda Islii ee Mgaaladda Nairobi ayay wali ka sii socdaan Raafka iyo qabqabashada dadka Soomaalida ah ee Xaafadaasi degen, iyadoo xabsiga loo taxabay dad tiro badan oo rag iyo dumar ba iskugu jira.

Dhibaatadii u dambeysay waxay soo gaartay Nadiifo Cabdi Cumar oo ah gabar Soomaliyeed oo uur leh oo ka soo dhacday dabaqa saddexaad ee guriga ay deggan tahay ee xaafadda Islii iyadoo sheegtay inay iska qarineysa askarta Kenyanka ah oo guriga ku soo garaacay saacadihii hore ee Sabtidii shalay. Nadiifo oo hadda taala cisbital ku yaalla xaafadda Islii ayaa khadka teleefanka ugu warrantay Caasho Ibrahim.

Geesta Kalena dawladda Soomaaliya ayaa dib ugu yeertay safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Ambassador Maxamed Cali "Ameeriko" oo isla maantaba ka degay magaalada Muqdishu. Dawladda ayaa sheegtay in tallaabadaasi ay jawaab u tahay xariggii habeen hore loo gaystay qunsulka Safaaradda Soomaaliya Siyaad Maxamuud Shire. Khadka telefoonka ee Muqdishu ayaa Haaruun Macruuf uu kula xidhiidhay Wasiir Ku Xigeenka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya Mahad Maxamed Salaad, waxaana uu ugu horrayn weydiiyey inuu faahfaahiyo mowqifkan ay dawladdu qaadatay.

Hoos ka Dhegayso Labada Waraysi oo dhamays tiran

Your browser doesn’t support HTML5

kenya-somalia