Somalia oo Dalbatay in Deynamaha Laga Cafiyo

Wasiirka Arrimaha Dibedda C/raxmaan Beyle

Wasiirka arrimaha dibedda ee Somalia Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa VOA u sheegay in dowladdiisa ay ka dalbatay baanka Horumarinta Afrika in laga cafiyo deymaha lagu leeyahay Soomaaliya.

Wasiirka iyo wafdi uu horkacayo ayaa haatan ku sugan Tunisia halkaasi kulamo kula yeeshey madaxda Baanka Horumarinta Afrika iyo mas'uuliyiin kale.

Wasiirka ayaa sheegey in Baanka uu wado qorsheyaal lagu taageerayo barnaamijyada dib u dhiska Somalia. Daud Aweis ayuu khadka telefonka ugu warramey.

Qeybta hoose ka dhegeyso wareysiga wasiirka

Your browser doesn’t support HTML5

Wareysi: Wasiirka Arrimaha Dibedda Somalia