Moos laga Dhoofiyay Dekeda Muqdisho

Pequenos agricultores etíopes durante a colheita da banana

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in beeralay Soomaaliyeed ay mooskii ugu badnaa muddo 10 sanno ah ka dhoofiyeen dekeda Muqdisho, iyagoo u dhoofiyay dalalka Kuwait iyo Imaraadka.

Wasiirka Beeraha ee dowladda Soomaaliya Cabdi Axmed Maxamed (Baafo) ayaa VOA u sheegay in mooskan lagu sahaminayo suuqyada Khaliijka.

Mooskan la dhoofiyay ayaa gaaraya ilaa 78 tan oo lagu guray 6 konteenar.

Your browser doesn’t support HTML5

Halkan ka Dhageyso wareysiga Wasiirka Beeraha