Madaxda Caalamka oo Xuseysa Guushii Dagaalkii 2aad ee Dunida

Hoggaamiyeyaasha caalamka ayaa isugu tagey dalka Faransiiska si ay u xusaan sannadguuradii 70aad ee ka soo wareegtey dagaalkii weynaa ee horseedey in lagu jebiyo ciidamadii xukuumaddii Nazi-ga Jarmalka Dagaalkii Labaad ee Dunida.

Boqolaal ka mid ah dadkii dagaalkaasi ka qeybqaatey ayaa ka qeybgalaya munaasabadda ka dhacaysa Normandy, halkaas oo xoogaggii isbahaysiga ay ka soo degeen xeebta, taas oo noqotey weerarkii ugu weynaa ee dhanka badda ee abid la qaado taariikhda adduunka.

Qaar ka mid ah ciidamadii ka qeybgaley dagaalkaasi oo uu ka mid yahay Jim Martin oo u dhashey Mareykanka, ayaa munaasabadda ku xusey dalaayadaha diyaaradaha lagaga soo boodo oo la casriyeeyay.

Ilaa iyo 160,000 oo ka tirsan ciidamada isbahaysiga ayaa dalaayado iyo qaabab kaleba uga soo degay xeebaha Normandy bishii June, 6-deeda 1944. Ilaa iyo 4,500 oo ciidamdaasi ka mid ah ayaana maalintaasi la dilay.

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa ka mid ah madaxda caalamka ee hadalka ka jeedin doona dabaaldegyada ka dhacaya Normandy maanta.